Sunday, November 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa Afaraad ,waxaana shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed oo uu soo diyaariyay guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka,

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood kulul islamarkaana saacado qaadatay ka yeeshay hindise sharciyeedkan ayaa aad uga dooday qodobada hindise sharciyeedkan, muhiimada uu wadanka u leeyahay iyo sidoo kale hadii uu miisaaniyad leeyahay,waxaana kulanka ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Cismaan ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu hore u soo maray akhrinta koowaad islamarkaana uu marayo akhrintiisa labaad ,wuxuuna dhanka kale sheegay inuu miisaaniyadiisa wato maadaamaa dooda xildhibaanadda ee maanta ay ku qotontay miisaaniyadda hindise sharciyeedkan.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Xildhibaannada ay aad uga doodeen qodobada hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay guddoonka golaha uu deg deg u magacaabi doono guddi kasoo shaqeyn doona doodii xildhibaanadda golaha shacabka kulankii kan ka horeeyay ka yeesheen dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn,si ay warbixintooda goluaha ugu soo celiyaan islamarkaana qaraar arintaasi ku saabsan goluhu soo saaro.













Previous Post

Wasiirkka Warfaafinta oo soo xiray Aqoon Isweydaarsiga heerka sare oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Hay’adda SoDMA oo waddo dhismaha Xarun loogu talagalay deryeelka dhaawacyada  

Next Post
Hay’adda SoDMA oo waddo dhismaha Xarun loogu talagalay deryeelka dhaawacyada  

Hay’adda SoDMA oo waddo dhismaha Xarun loogu talagalay deryeelka dhaawacyada  

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MASAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee dalka Masar,...

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xaq U Dirirka Degmada Mahadaay Oo Hawlgal Ku Dilay Horjoogihii Khawaarijta Ee Shabeellaha Dhexe

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ee ka howlgala degmada Mahadaay ayaa saakay howlgal qorsheysan ku dilay, horjoogihii Khawaarijta...

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):- Guddiga is diiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa maanta si rasmi ah uga hawl bilaabay degmada Waajid ee...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In