Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada Sare ee Gaalkacyo oo dhiirigelin loo sameeyey

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 19, 2024
in Wararka
0
Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada Sare ee Gaalkacyo oo dhiirigelin loo sameeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo ay soo Agaasimeen Maamulka iyo Ardayda Dugsiga hoose dhaxe iyo Sare ee Geeska Afrika isla markaana aheyd mid dhiirigalin loogu sameeynayay Dufcaddii 1aad ee ka baxda dugsiga Sare ee Geeska Afrika kuwaasi oo Waxbarashadooda fasalka koowaad ee dugsiga hoose iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare ee Geeska Africa ku qaatay ayaa waxaa ka qeyb masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo Maamulka Dagmada Gaalkacyo.

Ugu horeyn Maamulaha iskuulka Shuceyb Macalin Cabdi oo isaga iyo Allaha Unaxariista Maxamed Cabdi Fiimto ay u dileen khawaarijtu maxaa ubadka ugu jiheeyneeysaa jidka toosan ayaa ka warbixiyay ujeedka Munaasabada waxaana uu sheegay in hamigoodii 12 sano ka hor uu mira dhalay ayna ku faraxsan yihiin Maamulkii Macalimiintii iyo waalidiintii intaas usoo samreeysay xaalado kasta oo lasoo marayna maanta la joogo guushii ay rajeynayeen gaaristeeda

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

June 15, 2025

Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa ka codsaday Bulshadii ka qeyb gashay munaasabada in ay alle u baryaan Aasaasihii iskuulka oo ay dileen khawaarijta Arxanka daran ee Al shabaab iyagoo diidanaa waxbarida ubadka Soomaaliyeed.

Munaasabada oo intii ay socatay ay ka hadleen waalidiin aqoon yahano sidoo kalana ardayda dugsiga geeska Afrika ay kusoo bandhigeen heerkooda aqooneed taas oo ay ka wada maqsuudeen dhamaan ka qeyb galayaashii munaasabada.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Mudug ee Wasaarada Waxbarashada Galmudug Axmed Jaamac Aadan Qoodeey ayaa sheegay in boqolkiiba todabaatan iskuulada ku yaala Gobalka Mudug ay gacanta ku hayaan Wasaaradaha Waxbarasho ee heer Fadaraal iyo Heer dowlad Gobaleed sidoo kalana ay rajeynayaan in sanadka soo socda ay kasii bataan, isagoo xusay in Dugsiga Hoose dhaxe ee Horn Afrika ama Geeska Afrika uu ka mid noqon doono iskuulada Wasaaraduhu maamulaan maadaama uu ka mid yahay dugsiyada ay ka muuqato tayo aqooneed.

 







Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Belgium ee Kenya

Next Post
Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Belgium ee Kenya

Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Belgium ee Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer...

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In