Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shacabka Degmada Xudur oo wajahaya xaalad adag oo dhanka Nolosha ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Shacabka Degmada Xudur oo wajahaya xaalad adag oo dhanka Nolosha ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo qeybna ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo masuuliyiin ka socday Hay’addaha Gargaarka sida IOM, WFP, UN, OCHA iyo UNICEF ayaa maanta gaaray Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka #Bakool.

Wafdiga Gudddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay kormeer ku tageen xarumaha ay degganyihiin dadka barakacyaasha ah ee is-beddelka cimilada saameynta ka soo gaartay iyo kuwo khawaarijta ka soo barakicisay degmooyinka Tiyeeklow iyo Rabdhuure, kuwaas oo haatan xaalad aad u adag wajahaya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026

Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa u kuurgalay xaaladaha dhabta ah ee ka jira kaamamkaan, iyagoo mid mid u xogwareeystay, waxaana ay goob fagaaro ah gargaar ugu qeybiyeen in ka badan 600 oo qoys oo kamid ah qoysaska guddoomiyaha iyo wafdigaan ay booqashada ugu tageen.

Ugu danbeyn, guddoomiyaha ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo dhexmaray SoDMA, Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, maamulka Bakool iyo hay’adaha Gargaarka waxaana looga hadlay sidii garagar deg-deg ah oo ballaaran loo gaarsiin la ahaa shacabka ku tabaalaysan gudaha Xuddur, degmooyinka iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool.








Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka Golaha

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan dadweyne Su’aalo lagu weydiiyay

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan dadweyne Su’aalo lagu weydiiyay

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan dadweyne Su'aalo lagu weydiiyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In