Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo Tababar uga Furmay Shiinaha 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo Tababar uga Furmay Shiinaha 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon darsigan oo ku saabsan Xoojinta nidaamka Caafimaadka iyo maamulkiisa ayaa lagu darsayaa mawaadiic kala duwan oo ay kamid yihiin Nidaamka Caafimaadka iyo sida lagu horumarin karo, waxa ay Soomaaliya ka baran karto nidaamka Caafimaadka Dalka Shiinaha, sida loo maamulo Cudur dillaacyada, Isticmaalka Tiknoolajiyadda adeeg bixinta Caafimaadka, Nidaamka xogto iyo baadi goobka Cudurrada, nidaamka maamulka Tallaalka iyo qayba kale oo badan.

Xubnaha ka qayb galaya aqoon daraska ayaa isugu jiro Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Caafimaadka Fadaaraalka, la taliyayaal sare, Agaasimaha Isbitaalka Demartiino, Madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo xubno kale.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Aqoon daraska oo socon doono muddo sedax Asbuuc ah ayaan waxaa ku lamaansan booqashooyin goobo Caafimaad iyo Hey’adaha adeegyada Caafimaada, sida Isbitaallo, iyo Hey’adda China CDC, si xubnaha ka socda qeybta Caafimaadka Dalka u helaan aqoon iyo khibrado dheeraad ah oo ku filan taasoo fududeynaysa la jaan qaadida horumarka xowliga ku socda ee Caafimaadka aduunka oo dhan.

Munaasabadda Furitaanka aqoon daraska waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliin ka socotey Safaaradda Soomaaliya ee Wadanka Shiinaha, waxaana tababarkan hirgeliyey Wasaaradda Ganacsiga dalka Shiinaha iyadoo uu fulinayo Commissionka Caafimaadka dalka Shiinaha.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi kaga qayb galay shir muhiim ah

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo xubno khawaarijta ka tisanaa ku laayay Bakool

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo xubno khawaarijta ka tisanaa ku laayay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo xubno khawaarijta ka tisanaa ku laayay Bakool

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In