Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Bulshada Bariga Afrika 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Bulshada Bariga Afrika 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka.

Related posts

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026

Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoo bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin Dallada Bulshada Bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka.



 

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023

Next Post

Guddomiye Abshirow oo Sagootiyey guddoomiyaha Baarlamaanka EAC

Next Post
Guddomiye Abshirow oo Sagootiyey guddoomiyaha Baarlamaanka EAC

Guddomiye Abshirow oo Sagootiyey guddoomiyaha Baarlamaanka EAC

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa...

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS  Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadka Woqooyi Bari ay...

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In