Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hoggaamiyihii Garabka Siyaasadda Xamaas oo lagu dilay Tehran

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
July 31, 2024
in Wararka
0
Hoggaamiyihii Garabka Siyaasadda Xamaas oo lagu dilay Tehran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

HogaamiyahII dhanka Siyaasadda ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya, ayaa lagu lagu dilay Tehran, aroornimadi hore ee Arbacada ee maanta sida ay baahisay wakaaladda Wararka Iiraan.

Dhanka kale Bayaan isna kasoo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Tahran ee Caasimadda Iiraan.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa cambaareeyay dilka hogaamiyaha Xamaas, isagoo intaa raaciyay in marnaba aan la ilaabi doonin dadaalkii uu u galay xoreynta dadka reer Falastiin.

Inta badan dowladaha dunida ayaa dhaleeceeyay dilka hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee Xamaas Ismacil Haniyah,kaas oo ka dhacay Dalka Iran.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka hoggaamiyaha Xamaas Ismaciil Haniyah ku tilmaantay dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee dalkaasi.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay dilka hoggaamiyahaasi ee ka dhacay Tehraan, iyadoo Weerarka dilka ku tilmaantay in looga gol leeyahay in lagu baahiyo dagaalka Qaza oo laga dhigo heer gobol.

Haniyeh ayaa 1962-kii ku dhashay xero qaxooti oo ku taala xeebta galbeed ee magaalada Gaza, ka dib markii waalidkiisa ay ka carareen gurigooda oo u dhow halka hadda loo yaqaan Ashkelon intii uu socday dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.

Dilka Haniyah ayaa yimid wax ka yar 24 saacadood ka dib markii saddex qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah la dilay, 74 kalena lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ka geysatay Beirut.

Israa’iil  ayaa ugu yaraan 39,400 oo qof ku dishay duulaanka Gaza , iyadoo ay ku dhaawacmeen 90,996 qof, kuwaas oo u badan Caruur iyo haween.

Previous Post

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka tacsiyeeyay geerida Ismaaciil Haniya

Next Post

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya oo kula la qaatay Wasiir ku-xigeenka Teknoolojiyada Shiinaha 

Next Post
Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya oo kula la qaatay Wasiir ku-xigeenka Teknoolojiyada Shiinaha 

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya oo kula la qaatay Wasiir ku-xigeenka Teknoolojiyada Shiinaha 

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In