Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Naas-Nuujinta Adduunka oo laga xusay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Maalinta Naas-Nuujinta Adduunka oo laga xusay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa furtay munaasabadda xuska todobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo maanta oo kale laga xuso Caalamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaardda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka, Xildhibaanno, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, xubno sare oo ka socday Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Culimaa’udiin, Dhakhaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026

Xuskan todobaadka ayaa ujeeddadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirigelliyo iyo in ay nuujiyaan carruurtooda dhawaan dhashay si kor loogu qaado difaacooda jirka, naaska hooyada waxa kujira nafaqo dhameystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa.

Naaska hooyada waxa uu sidoo kale kordhiyaa Garadka carruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.

Dr. Maryama Wasiiru-dowlaha Wasaaradda ayaa xoojisay muhiimada ololahaan iyadoo sheegtay in kaliya seddaxdii carruur ee Soomaaliyeed midkood uu helo naas-nuujin lixda bilood ee ugu horeesa noloshooda waxayna dib-u-dhac wayn ku tahay noloshooda hadana lagaaray waqtigii isbeddelku imaan lahaa.

Ugu danbayn Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa tiri hooyo cunugaagu uma baahna waxa aan ahayn naaskaaga oo baraxtiran lixda bilood ee ugu horeysa noloshiisa waana mid uu ilaahay ugu tala galay oo wuu ku filanyahay ee aan u hiilino ilmahayna.

Halku dhigga sanadkan ee ay qaadatey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS ayaa ah “TAAGEER KOR U QAADIDDA NAAS-NUUJINTA, SI ILMA WALBA OO SOOMAALIYEED UU U HELO NAAS NUUJIN KU FILAN”.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo qaabilay dhiggiisa dalka Ciraaq

Next Post

Aqoon-isweydaarsiga Tebinta Warbixinnada Xafiiska Hantidhowrka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Aqoon-isweydaarsiga Tebinta Warbixinnada Xafiiska Hantidhowrka oo lagu qabtay Muqdisho

Aqoon-isweydaarsiga Tebinta Warbixinnada Xafiiska Hantidhowrka oo lagu qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel...

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

April 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa Arbacadii si rasmi ah u daah furay Xarunta Cilmi baarista iyo...

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

April 23, 2026
0

Safiirka dawlada Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Mohamed Amin Sheikh Osman ayaa Maanta kulan mira dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In