Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Naas-Nuujinta Adduunka oo laga xusay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Maalinta Naas-Nuujinta Adduunka oo laga xusay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa furtay munaasabadda xuska todobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo maanta oo kale laga xuso Caalamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaardda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka, Xildhibaanno, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, xubno sare oo ka socday Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Culimaa’udiin, Dhakhaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Xuskan todobaadka ayaa ujeeddadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirigelliyo iyo in ay nuujiyaan carruurtooda dhawaan dhashay si kor loogu qaado difaacooda jirka, naaska hooyada waxa kujira nafaqo dhameystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa.

Naaska hooyada waxa uu sidoo kale kordhiyaa Garadka carruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.

Dr. Maryama Wasiiru-dowlaha Wasaaradda ayaa xoojisay muhiimada ololahaan iyadoo sheegtay in kaliya seddaxdii carruur ee Soomaaliyeed midkood uu helo naas-nuujin lixda bilood ee ugu horeesa noloshooda waxayna dib-u-dhac wayn ku tahay noloshooda hadana lagaaray waqtigii isbeddelku imaan lahaa.

Ugu danbayn Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa tiri hooyo cunugaagu uma baahna waxa aan ahayn naaskaaga oo baraxtiran lixda bilood ee ugu horeysa noloshiisa waana mid uu ilaahay ugu tala galay oo wuu ku filanyahay ee aan u hiilino ilmahayna.

Halku dhigga sanadkan ee ay qaadatey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS ayaa ah “TAAGEER KOR U QAADIDDA NAAS-NUUJINTA, SI ILMA WALBA OO SOOMAALIYEED UU U HELO NAAS NUUJIN KU FILAN”.

 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo qaabilay dhiggiisa dalka Ciraaq

Next Post

Aqoon-isweydaarsiga Tebinta Warbixinnada Xafiiska Hantidhowrka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Aqoon-isweydaarsiga Tebinta Warbixinnada Xafiiska Hantidhowrka oo lagu qabtay Muqdisho

Aqoon-isweydaarsiga Tebinta Warbixinnada Xafiiska Hantidhowrka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In