Monday, March 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamsa “Shirka COP 29 waa fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
R/W Xamsa “Shirka COP 29 waa fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee COP 29, kaas oo bisha Nofeembar lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP 29 barnaamijyo cadcad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge ka tirsan Khawaarijta

March 2, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

March 2, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cadcad oo la taaban karo, isaga oo ku boorriyay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha uu shirka COP 29 soo bandhigi doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in shirka COP 29 uu yahay fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato, si xal loogu helo dhibaatooyinka ay dalkeenna ku yeelatay saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka.

Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah Ciidanka Booliska

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo faahfaahin ka bixiyay qasaarihii ka dhashay qaraxii Liido

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo faahfaahin ka bixiyay qasaarihii ka dhashay qaraxii Liido

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo faahfaahin ka bixiyay qasaarihii ka dhashay qaraxii Liido

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge ka tirsan Khawaarijta

March 2, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

March 2, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maalintii...

Madaxweynaha JFS oo la hadlay Boqorka Urdun iyo Amiirka Qatar

Madaxweynaha JFS oo la hadlay Boqorka Urdun iyo Amiirka Qatar

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun iyo...

Hawlgal lagu dilay dhagarqabayaal katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Hawlgal lagu dilay dhagarqabayaal katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

March 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa UPDF, ayaa ka saaray maleeshiyad argagixiso ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In