Waxaa magaalada Qahira ee Caasimadda dalka Masar lagu soo afmeeray kulanka Toddobaadka Soomaaliya oo sannad kasta la qabto.
Barnaamijka ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Jaamacadda Carabta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo, aqoon-iswaydaarsi iyo hadal-jeedinno ku qotoma dhaqanka iyo hiddaheenna, ahmiyadda Waxbarashada, habka, abaabinta toosan ee ubudka qurbaha iyo qodobbo kale oo muhiim u ah xoojinta midnimadda, isku-xirnaanta iyo horumarka qaybaha Jaaliyadda.