Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaloya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay cabashada shacabka ee arrimaha Canshuuraha, difaaca madax-bannaanida dalka iyo doorashooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hadal jeedintiisa diiradda ku saaray xaaladda dalka, duruufaha ku xeeran dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxbannaanida iyo Qarannimada dalkeenna ayaa ku dheeraaday arrimaha canshuuraha oo cabasho laga qabay, asaga oo yiri “Majirto Canshuur cusub oo dowladdu soo kordhisay balse waxaa cusub nidaamka lagu bixinayo”.

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

Mudane Xasan Sheekh oo sidoo kale ka hadlay cabashada dhallinyaradda wadayaasha ka ah Mooto bajaajta oo maalmahaan ka cabanayey lacago lagu kordhiyay ayaa sheegay in warbixinaddaas hey’addii ay quseysay oo dhan ay ka howlgaleen oo haatan la hagaajiyay, waxii dhimmana la dhameystirayo “Raali kama ahan Dowladda Federalka Soomaaliya wax dhib galinaya dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka ayaa sheegay arrinta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo  Itoobiya ee maanta taagan inuu ka dhashay xad-gudub ay sameysay Itoobiya, ayna ka garaabi-weyday. “Jamhuuriyaddii 1960-kii dhalatay ayay Itoobiya daba jooga oo ay leedahay cad ayaan ka goosanaya taasna horray ayaan u diidnay, waligeedna dhicimeyso oo Soomaaliya oo intaan ka taag yar ayaa diiday in biyaha, badda iyo dhulkeedu Itoobiya qaadato. Maanta baddaan xoog ku gaarayaa waa riyo aan rumoobeyn”.

Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka dhanka ah kooxda cadowga ah ee khawaarijta ayaa sheegay inuu wali socdo dagaalkii bilaawday labo sano ka hor, ayna tahay waxba kama jiraan haddii la sheegay in dagaalkii istaagay.

“Dagaalku maanta ayuu intii hore ka sii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeecadihiisuba wey isbedaleen, nuuca dagaalka ee lagu jirana wuu isbedalay laakiin dagaalku ma istaagin ee wuu socdaa, intii horenna waa ka sii xoog badan yahay taasna waxaa cadeyn u ah horray dagaal kagama socon Koonfur Galbeed iyo Jubbaland laakiin hadda wuu ka socdaa” ayuu yiri mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha JFS.

 

Previous Post

Guddiga Gurmadka Qaran oo lacag ka guddoomay Wasaaradda Caafimaadka

Next Post

Xukuumadda iyo Ganacsatada oo isla qaatay bixinta canshuurta Iibka

Next Post
Xukuumadda iyo Ganacsatada oo isla qaatay bixinta canshuurta Iibka

Xukuumadda iyo Ganacsatada oo isla qaatay bixinta canshuurta Iibka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

October 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In