Wafti uu hoggaaminayey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiin Xasan Ashkir ayna ka mid yihiin masโuuliyiin ka socday Hayโadda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Naiorbi ee Kenya waxa ay kulan muhiim ah oo ku saabsan qiimaynta hirgalinta Aqoonsiga Danabeysan ee sharciga ah ee Soomaaliya la qaatay qaar ka mid ah Waddamada iyo Hayโaddaha deeq bixiyayaasha ah ee Soomaaliya taageera.
Kulanka waxaa ka qaybgalay madax ka socday Waddamada Norway, Sweden, Swizerland, Dernmak, Uk, Bangiga Aduunka, UNDP iyo Somali Joint Fund.
Dood iyo falaqeyn dheer kadib, waxaa ay masuuliyiintii ka socday waddamadii shirka ka soo qayb galay iyo hayโaddahaba soo bandhigeen sida ay uga goโantahay in ay Soomaaliya ka taageeraan hirgalinta Aqoonsiga Danabeysan Sharciga ah.
Intaas kadib Wasiir Cabdixakiin Xasan Ashkir oo soo xiray shirka ayaa ugu mahad celiyey wadamadii iyo hayโadihii shirka kasoo qayb galay taageerada ay la garab taaganyihiin dhisamaha hayโadaha dowladda iyo taageeradooda dadka Soomaaliyeed.