Sunday, October 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Maaliyadda Labada Aqal oo kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka XFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddiga Maaliyadda Labada Aqal oo kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka XFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiyada Maaliyadda ee labada aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aalo weydiin ah xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda, agaasimaha guud ee Wasaaradda, iyo sidoo kale madaxda mashaariicda ay wasaaradda dalka maamusho.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha Guddiga Maaliyada, Miisaaniyada Qorshaynta iyo La xisaabtanka hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa ujeedkiisu ahaa In mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo uu wasiirka ugu horeeyo wax laga weydiiyo Mashaaricda wasaaradda caafimadka ee gaabiska ka jiro iyo Caqabadaha haysta mashaariicda caafimaad ee dalka ka socota.

Related posts

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle

October 19, 2025
Shirkii Madasha arrimaha beni’aadannimada ee dalka oo lagu qabanayo Jowhar

Shirkii Madasha arrimaha beni’aadannimada ee dalka oo lagu qabanayo Jowhar

October 18, 2025

Xubnaha guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wasiirka Caafimaadka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda su’aalo adag ka weydiiyay Mashaariicda Miisaaniyada ku jirta oo ay Wasaaradda maamusho gaabiska jira iyo kuwa Dalka ka socda ee aan miisaaniyadda ku jirin.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada, Miisaaniyadda Qorshaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dawladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka uga mahadceliyay ka jawaabista u yeeritaanka guddiga,waxaana dhanka kale uu sheegay in guddiga looga baahanyahay in ay qoraal faahfaahsan kusoo gudbiyaan mashaariicda caafimaadka la xiriira ee dalka ka socda.








 

Previous Post

Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka oo qaabilay wafdi ka socday WHO

Next Post

Kulan looga hadlayay la dagaallanka Afkaarta Khaldan ee Khawaarijta oo lagu qabta Hobyo

Next Post
Kulan looga hadlayay la dagaallanka Afkaarta Khaldan ee Khawaarijta oo lagu qabta Hobyo

Kulan looga hadlayay la dagaallanka Afkaarta Khaldan ee Khawaarijta oo lagu qabta Hobyo

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AWDHEEGLE):- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye...

Shirkii Madasha arrimaha beni’aadannimada ee dalka oo lagu qabanayo Jowhar

Shirkii Madasha arrimaha beni’aadannimada ee dalka oo lagu qabanayo Jowhar

October 18, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirrada gargaarka dowlad gobaleedyada...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ISTANBUL):-Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In