Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka cadeeyey shirka Abidjan sida ay uga go’an tahay la dagaalanka isbedelka cimilada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka cadeeyey shirka Abidjan sida ay uga go’an tahay la dagaalanka isbedelka cimilada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast lagu soo gabagabeeyay Kalfadhiga 10-aad ee gaarka ah ee Shirka Wasiirada Afrika ee Cimilada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano AMCEN.

Mawduuca sanadkan looga hadlayay Kalfadhiga ayaa wqxaa hal-ku-dhigiisu u ahaa “Kor u qaadista Hamiga, qorshaha iyo Dardar gelinta Wax ka qabashada Abaaraha iyo La-dagaallanka xaalufka Dhulka,”

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Shir madaxeedkan ayaa waxaa isugu yimid madax kala duwan oo ka kala socotay wadamada Afrika, Wakiilo ka socday hay’adda cimilada Adduunka ee Qaramada Midoobay UNEP, dublamaasiyiin iyo ururo caalami ah si ay uga wada hadlaan hawlaha muhiimka ah ee quseeya cimilada, gaar ahaan xaalufka dhulka, ka hortaga abaaraha iyo xaalufinta dhirta.

Shirkaan waxaa dhanka Soomaaliya uga qayb galay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya isla markaana ah wakiilka joogta ah ee Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Danjire Jabriil oo dhawaan loo doortay gudoomiyaha iyo isku dubaridaha Wakiilada joogtada ee wadamada Afrika ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, ayaa khudbad taabanayso dhibaatooyinka Xaalufinta dhulka ku hayo wadamada Afrika ka jeedayay Kulanka.

Danjiraha oo ku hadlayayy magaca wadamada Afrika iyo kan dowladda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday qaabka loo baahan yahay in looga hortago xaalufinta dhulka iyo abaaraha soo noqnoqday ee saameeyay wadamo badan oo ku yaala Qaarada Afrika.

Soomaaliya ayaa shirka ka cadeeysay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka isbedelka cimilada iyo xal u helidda abaaraha soo noqnoqday.

“Waxaa lagu qiyaasay in boqolkiiba 36% dhulkeena uu xaaluf noqday, kaas oo khatar ku ah helitaanka ama soo saarida cuntada ay u baahan yihiin shacabka Soomaaloyeed. Hadda, in ka badan sidii hore, waxaan u baahanahay iskaasho caalami ah, helitaanka tignoolajiyadda casriga ah iyo agabka si aan u dhisno mustaqbal xaqiijinaya in Soomaaliya yeelato dhul barwaaqo ah”. Ayuu yiri, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle

Soomaaliya waxa ay wajaheysaa caqabado cimilo oo halis ah, waxaana lama huraan ah in Ummadda Soomaaliyeed iyo dowlada Federaalka oo kaalmeysanayaan hay’adaha caalamiga iyo wadamada saaxibada ah inay tallaabo ka qaado xaalufinta dhulka.





Previous Post

Ciidamada Amniga Iyo Bahda Warbaahinta oo kulan mira dhal ah ku yeeshay Gaalkacyo

Next Post

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo digniino soo saaray

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo digniino soo saaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In