Wednesday, May 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Aqoonsiga oo qabtay kulan wadatashi ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 7, 2024
in Wararka
0
Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Aqoonsiga oo qabtay kulan wadatashi ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulan wadatashi ah oo ku saabsan kaalinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada shirkadaha isgaarsiinta, iyo isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda hay’adaha NIRA iyo HIQ iyo mas’uuliyiin ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta dalka. Kulanka ayaa waxaa daahfuray Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle, iyo Mustafa Yasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ, iyagoo ka hadlay heerarka kala duwan ee uu soo maray nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

May 21, 2025
NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

May 21, 2025

Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle, oo kulanka ka hadlay ayaa yiri: “Iskaashiga ka dhexeeya NIRA iyo shirkadaha isgaarsiinta waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu noqdo mid la isku halleyn karo oo wax ka taraya adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya.

Wada shaqeyntani waxay siinaysaa ummadda Soomaaliyeed fursad ay ku heli karaan aqoonsi rasmi ah, waxayna fududaynaysaa aqoonsiga macaamiisha ee shirkadaha isgaarsiinta.”

Sidoo kale, Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay: “Dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay horumarinta isgaarsiinta dalka iyo ilaalinta danaha macaamiisha. Waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqeyno shirkadaha isgaarsiinta si aan u hubinno in nidaamkani uu noqdo mid wax ku ool ah oo si buuxda ugu shaqeeya macaamiisha Soomaaliyeed.”

Warbixinno kala duwan ayaa lagu soo bandhigay kulanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin shuruucda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka, iyo sida loo fulin doono diiwaangelinta SIM-ka iyo adeegyada isgaarsiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay istiraatiijiyadda hawlgelinta, fursadaha iskaashi, iyo meelaha ay iska kaashan karaan NIRA, HIQ, iyo shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo la xoojinayo ujeexdada guud ee ah in la horumariyo adeegyada isgaarsiinta ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirkadaha isgaarsiinta ayaa soo dhaweeyay iskaashiga iyo wada shaqaynta la xiriirta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan NIRA iyo HIQ si ay uga qayb qaataan isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta. Sidoo kale, shirkaduhu waxay ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan diiwaangelinta macaamiisha.




Previous Post

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo digniino soo saaray

Next Post

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐲𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝( 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩).

Next Post
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐲𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝( 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩).

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐲𝐥𝐢 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝( 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩).

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

May 21, 2025
0

Shirweynaha lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare...

NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

May 21, 2025
0

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

May 21, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha Sanadlaha ah ee...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

May 20, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In