Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga XFS oo xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska iyo Taliyihii hore

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga XFS oo xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska iyo Taliyihii hore
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee Hoggaannada iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee Ciidanka Booliiska, wuxuuna Wasiirku halkaas ugu kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi.

Related posts

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026

Taliyaha cusub ayaa faray Saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed

Previous Post

NISA oo fashilisay shabakad falal amni darro ah ka wadday Muqdisho

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga 

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga 

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(PAKISTAN):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In