Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta daah furay kulan dhagaysi dadwayne oo ku saabsanaa Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada, oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare.
Guddoomiyuhu wuxuu dul istaagay muuhiimadda uu sharcigan u leeyahay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka naafada ah, isagoo tilmaamay in naafanimada dadka Soomaaliyeed badankood ay sababeen dagaalladii kala duwana ee ka dhacay dalkeenna isla markaana ay keeneen in shacabkeenna qaybo ka mid ahi ku waayeen xubnahooda qayb ka mid ah.
“Waxaan idiin ballan qaadayaa in sharcigan uu Aqalka Sare si degdeg ah u ansaxin doono markaad ku biirisaan aragtidiina, waxaana sigaar ah ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha guddiga Garsoorka iyo xubnaha guddigu dadaalka ay galiyeen ka shaqaynta sharciga ilaalinta xuquuqda naafada iyo dhammaan marti-sharafta ka soo qayb gashay kulanka”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.
Intaas ka dib, waxaa la guda-galay dhageysiga dadweynaha iyo aragtidooda iyagoo ka doodday islamarkaana dul istaagay cutub iyo qodob walba oo uu hindise sharciyeedka ka kooban yahay, iyadoo mid mid loo diiwaan-galiyey dhamman soo jeedimihii ay soo jeediyeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan hay’adaha iyo xafiisyada qaabilsan arrimaha dadka naafada ah, oo soo bandhigay aragti wax ku ool ah, wax ka baddal, wax ku daris iyo siiqayn intaba.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha guddiga Garsoorka, Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Maxamuud ( Gadhwayne), ayaa u mahadcelisay dhammaan marti-sharafta maanta ka soo qayb gashay kulanka dhageysiga dadweynaha gaar ahaan dadka naafada ah oo aragtiyo wax ku ool ah ku biiriyay hindise sharciyeedka ilaalinta xuquuqda naafada, iyadoo dhanka kalana tilmaamtay ka guddi ahaan in ay ka go’antahay sidii ay u dhammaystiri lahayeen sharcigan islamarkaana ay dagdag ugu horgayn doonaan golaha guud ee Aqalka Sare, si loo marsiiyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka.