Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yabooh oo ka qeybgalay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 5, 2024
in Wararka
0
Guddoomiye Yabooh oo ka qeybgalay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa galabta ka qeyb galay daawashada kulan aad u xiiso badan oo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ku dhex-maray Kooxaha Kubadda Cagta ee Degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir.

Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana qeyb ka ahaa Wareega sideed dhamaadka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad ayaa waqtigii loogu tala galay waxa uu kusoo idlaaday 0-0, balse Gool ku laad (Rigooreyaal) labada dhinac loo dhigay ayaa cayaarta ka dhigtay mid ay guusha ku raacday Xulka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Degmooyinka Gubadley, Daarusalaam iyo Kaaraan ayaa xaqiijiyay in ay usoo gudbaan Wareega Afar dhamaadka ama (Semi-finalka) Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo maalinta barito la sugayo in ay cayaar aad u xiiso badan dhex marto Xulalka Kubadda Cagta Degmooyinka Warta Nabadda iyo Dharkeenley oo xulkii ay guusha raacdo ku biiri doonna xulalka u soo gudbay Semi-finalka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad.





Previous Post

Shirka looga hadlayay wadashaqeynta laamaha amniga oo ka dhacay Kismaayo

Next Post

Wasiirka Waxbarashada oo guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee Gurmadka

Next Post
Wasiirka Waxbarashada oo guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee Gurmadka

Wasiirka Waxbarashada oo guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee Gurmadka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In