Madasha oo muhiimad wayn u leh dowladaha geeska Afrika ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka socday dowladaha urur gobaleedka IGAD, Ururada bulshada rayidka, madaxa Urur gobaleedka IGAD, masuuโiilayiin ka socday Xafiiska Haweenka QMย iyoย Ergayga xafiiska Haweenka QM ee Geeska Afrika.
Kulankan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa looga hadlayaa qodobbo dhowr ah oo ay kamidyahiin qorshe howleedka Qaran ee dowladaha, doorka haweenka ee Nabadda iyo Amniga, saameynta isbadalka cimilada oo ah mushkilad wayn oo hayso dunida oo lala tacaalayo sidii wax looga qaban lahaa, adkeysiga haweenka iyo hoggaaminta.
Dowladdaha xubna ka ah urur gobaleedka IGAD ayaa soo bandhigayo waxyaabaha ay ka qabteen qorshe howleedka Qaran ee (National Action Plan), guulaha ay gaareen, caqanbadaha jira iyo heerarka ay marayaan halbeegyada afarta ah ee xoogga saarayso tiirarka kala duwan.
Madaxa Haweenka iyo Horumarinta ee (Heed of Gender IGAD) Amina Farax oo daah-furtay madasha ayaa hoosta ka xariiqday wadashaqeynta ballaaran ee ka dhaxeyso dowladaha iyo IGAD, muhiimada madasha labada cisho diirada lagu saarayo oo ay ugu horeyso qorshe howleedka iyo halbeedyada kala duwan.
Idil Cabsiye oo ah khabiir Siyaasadda ee gobalka u qaabilsan UN-Womenย ayaa sheegtay mushkiladaha jira oo ay ugu hooreyso Isbadalka Cimalada, hababka Amniga iyo nabadd dhiska iyo xalala sida loo gaari karo.
Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka Marwo Sacdiyo Maxamed Nuurย ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigayso waxyaabaha ugu qabsoomay qorshe howleedka oo ay dowladda Soomaaliya ay daaadajisay isla markaana guula waa wayn ay ka gaartay.
Ugu dambayn madasha ayaa waxaa lagu fallanqeyn doonna qodobbada kor ku xusna, waxaana laga soo saari doonaa tiirar saldhig u ah geeddia horumairnta haweenka, Nabadd iyo Amniga, Isbadalka Cimiladda iyo xalalka horumarka waara.