Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo caawa laga soo saaray warmuriyeed.
Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay doorashooyinka, amniga, horumarinta dalka.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in la qabto doorashada dowladaha hoose June 2025, iyadoo Sidoo kale doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada la qaban doona September 2025.
Halkan ka akhriso lifaaqa War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka