Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay chancellor-ka dalka Jarmalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay chancellor-ka dalka Jarmalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Berlin kula kulmay Chancellor-ka dalka Jarmalka, Mudane Olaf Scholz ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga labada dawladood.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo Jarmalka taas oo ku timid casuumad uu ka helay hoggaamiyaha Chancellor Scholz.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda maanta si qota-dheer ugu lafaguray danaha labada dal iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada; cimillada, horumarinta dhaqaalaha, taageeridda dadaalka DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga ka dib dhammaadka hawlgalka ATMIS, tababbarista iyo tayaynta ciidankw Booliska Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan xaqiijinta nabadgeliyada dalka, iyo arrimaha kale ee ahmiyadda weyn u leh geeddi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, waxa uu Chancellorka Jarmalka, Mudane Scholz soo hadal-qaaday arrimaha qaxootiga iyo magangalyo-doonka oo uu dalkiisu ka mid yahay meelaha ugu badan ee lagu soo dhaweeyo dadka ka soo haajira duruufaha colaadeed iyo kuwa nololeed ee ka jira meela dunida ka mid ah. Waxa uu sheegay in ay Soomaali kummaanaan gaaraysa ay qeyb ka yihiin dadka magangalyada ka helay Jarmalka, kuwaas oo hadda kaalin wanaagsan ku leh horumarka iyo wada-noolashaha guud ee bulsho-weynta dalkaas.

Hase ahaatee, Mudane Olaf Scholz ayaa xusay in ay jiraan tiro aad u yar oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo sharcidarro ku jooga dalka ka dib markii ay dambiyo galeen oo sidaas ay ku lumiyeen xuquuqdii magangalyo.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa bogaadiyay kaalinta Jarmalka ee soo-dhawaynta iyo fursad-siinta qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu Madaxweynuhu la wadaagay dhiggiisa Jarmalka sida ay dawladdiisu u danaynayso in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ay helaan xuquuqda caalamiga ah ee ay ku leeyihiin shuruucda magangalyo-doonka, isaga oo caddeeyay in aysan jirin baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuq magangaliyo ee iskiis u doonaya in uu dib u soo gurya-noqdo ay mar kasta u furan tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku soo laabto.

Kulanka labada hoggaamiye, ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad dhabbaha u xaaraya sii-joogteynta wada-shaqaynta labada dal oo ah mid ka tamar-qaadaya xiriir saaxiibtinimo oo soojireenka ah.

Previous Post

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar

Next Post

Shirweynaha u Adkaysiga Aafooyinka oo ka furmay Muqdisho 

Next Post
Shirweynaha u Adkaysiga Aafooyinka oo ka furmay Muqdisho 

Shirweynaha u Adkaysiga Aafooyinka oo ka furmay Muqdisho 

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In