Wednesday, June 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho

Ali Ahmed by Ali Ahmed
November 15, 2024
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Jimco, 15-ka November 2024

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga soo qeyb galey Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo waddamada Carabta iyo Islaamka uga arinsanayeen xasaradda bani’aadamnimo ee haysta shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Carabta iyo waddamada Islaamka ee ka dhacaya Sacuudiga, loogana arinsanayay arrimaha Lubnaan iyo Falastiin.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Kenya.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka.

5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa socdaal shaqo ku tagey dalka Britain.

7- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo yeelaneysa magaca cusub oo ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

9- Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee XFS Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.

10- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka.

11- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedyada Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, Doorashooyinka iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha.

12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah una dhacdo qaab hufan si waafaqsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka.

13- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddiga doorashada dadban ee uu magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Jubbaland in uu yahay sharci darro, kana soo horjeeda xeerarka dalka iyo heshiisyadii Golaha wadatashiga Qaranka.

14- Kulan wadatashi ah oo dadweynaha looga talo galinayay dib u eegista Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Laas Caanood ee xarunta maamulka Ku Meel Gaarka ah ee SSC-Khaatuma.
.
15- Wasiirka Caafimaadka Mudane Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah casri ah (CT Scan) oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda adduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund)

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey istaraatiijiyadda wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.

18- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u xaqiijiyey in Itoobiya si rasmi ah looga reebay dalalka ka qayb qaadanaya hawlgalka taageerada xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,.

19- Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

20- Kulanka la xiriira la-tashiga dadweynaha ee dib u eegista Dastuurka ayaa lagu qabtay deegaanka Ari Caddeeye ee maamulka SSC-Khaatumo.

21- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bogaadisay doorashooyinka maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland.

22- Wasaaradda Waxbarashada ayaa daahfurtay deeq waxbarasho oo la siinayo 3,000 oo gabdhood.

23- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer.

24- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Mudaner Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee labada dal.

25- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa dilay 23 xubnood oo ka tirsaan Khawaarijta Al Shabab, hawlgal ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

26- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo kala hadley kaalinta haweenka ee nabadda iyo amniga.

27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa dilay 6 xubnood ka tirsan argagixisada Al Shabab, hawlgal ka dhacay tuulada Weel-manaas ee degmada Qansaxdheere.

28- Ugu yaraan 19 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay Ciidanka Nabadsugidda (NISA) ka fuliyeen meel deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

29- Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 24 dhalinyaro oo laga soo badbaadiyey kooxaha dhibaateeya dadka muhaajiriinta ah ee ka hawlgala xeebaha DalkaTunisia.

30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay 8 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku dayday in ay weerar ka geysato Masagawaay ee Galmudug.

31- Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

========DHAMMAAD=========

Previous Post

Madaxweynaha Angola oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In