Ciidanka Haya’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay laba dhagar qabe oo u qaabilsanaa Khawaarijt dhanka Isbitaalada iyo daryeelka bukaanada Khawaarijta.
Dhagarqabaha koowaad ayaa lagu magacaabaa Kooshin Maxamuud Axmed waxa uuna khawaarijta u qaabilsan yahay isbitaalada iyo bukaanadooda la keeno magaalada Muqdisho, halka dhagarqabaha labaad oo lagu magacaabo Keyse Faarax Xasan(Axmed yare) uu yahay dhakhtarka khawaarijta u qaabilsan daaweynta bukaanadooda jooga degmada jilib,
Dhagarqabe Keyse waxaa Adeer u ah horjoogaha khawaarijta u qaabilsan arrimaha Siyaasadda oo lagu magacaabo Xuseen Fiidow.
Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda.
Dhawan ayay ahayd markii Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ay soo qabteen labo dhagarqabe oo lagu kala magacaabo Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo ku eedeysan inay seddax qof oo ganacsato ah ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir, sidoo kalena lagu raadjoogo eedeysane kale oo la sheegay in dilalkaas uu wax ka geystay.
Horey Hay’adda NISA waxa ay ku guuleysatay inay gacanta ku soo dhigto dhagar qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo falal dil ah ka geysatay Muqdisho iyo kuwa kale oo ku lug lahaa falalka lidiga ku ah amniga Caasimadda.
.