Saturday, October 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda SoDMA iyo Culimada Soomaaliyeed oo kulan wadatashi ah yeeshay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 21, 2024
in Wararka
0
Hay’adda SoDMA iyo  Culimada Soomaaliyeed oo kulan wadatashi ah yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗠𝘂𝘀𝗶𝗶𝗯𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 (𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔) 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝘂𝗹𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa isugu yimid shir wada-tashi ah oo diiradda lagu saaray, kor-u-qaadista xiriika wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya SoDMA iyo Culimada, ka jawaabista deg-degga ah, dhisidda bulsho adkeysi u leh aafooyinka iyo sida ay Culimada Soomaaliyeed uga qayb-qaadan karaan dadaallada istiraatiijiga ah ee hay’addu kula tacaalayso ka hortagga khataraha musiibooyinka.

 

Related posts

Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

October 4, 2025
Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

October 3, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo shirka daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu shirkaan u leeyahay bulshada, gaar ahaan dadka nugul ee u baahan garab istaagga, isagoo xusay in talada iyo aragtida culimada ay mar kasta lagama maarmaan u tahay hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, halka uu si weyn u boorriyay xoojinta dadaallada wacyi-galinta iyo in dadka si wax-ku-ool ah loo fahansiiyo sida ay muhiim u tahay wax-la-bixdda iyo is-caawinta.

 

Hoggaanka Culimada Soomaaliyeed goobta ka hadlay ayaa dhankooda soo jeediyay doodo iyo khudbado la xariira sida ugu habboon ee shacabka tabaaleysan si waxtar leh loogu gaarsiin karo gargaarka iyo waddooyinka looga gudbi karo ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqaha dibadda, halka ay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyadoo xoogga la saarayo ka faa’iidaysiga aqoonta iyo kheyraadka gudaha.

 

Intii shirku socday waxaa la soo bandhigay muuqaal koobaya waxqabdka Hay’adda muddada labada sanno ah ee ay jirtay, sidoo kale, waxaa la soo jeediyay warbixin kooban oo taabanaysa howlaha guud ee hay’adda hortabinta u leh, waxqabadka Xarunta Qaran ee Ka-digista Halis-wadareedka iyo Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ah ee ku aaddan u diyaargarawga, ka jawaasista xalaadaha bani’aadannimo iyo hirgalinta mashaaricda dhisaya adkeysiga bulshada.

Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhankooda qeyb ka ahaa shirka ayaa si weyn u bogaadiyay doodda iyo muwduuca shirka, iyaga oo xusay in xalka in badan oo muskiladaha ka mid ah u ku jiro wacyi-galinta iyo farriimaha cumilada ee ku wajahan bulshada Soomaaliyeed, loona baahan is-kaashi marka la joogo fulinta howlaha bani’aadannimo ee Hay’adda SoDMA masuulka ka tahay.

 

Previous Post

Lataliyaha gaarka ah Madaxweynaha JFS oo dhambaal gaarsiiyay Madaxweynaha Algeria

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Japan uga mahadceliyay qalabka ka hortagga Walxaha Qarxa

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska oo Japan uga mahadceliyay  qalabka ka hortagga Walxaha Qarxa

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Japan uga mahadceliyay qalabka ka hortagga Walxaha Qarxa

Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

October 4, 2025
0

Dowladda Qatar ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga taageero farsamo joogto ah loo baahan yahay si...

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

October 3, 2025
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka Xaqiijinta iyo Dhameystirka Qorshaha Qaranka ee Tallaabooyinka Kahortagga Abaarta...

Afhayeenka Ciidanka Xoogga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciiidamo ku sugan Mahadaay

Afhayeenka Ciidanka Xoogga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciiidamo ku sugan Mahadaay

October 3, 2025
0

Afhayeenka Ciidanka ee Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Macalin ayaa Kulan baraarujin ah oo la xiriiray habsami u gudashada waaibaadka qaran...

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

October 3, 2025
0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In