Saturday, October 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 23, 2024
in Wararka
0
Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankooda 10-aad ee wadajirka ah waxaana shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ku-xigeennada labada aqal.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta saddexaad iyo u codeynta Hindisaha sharciyeedka Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Mareykanka

October 4, 2025
Baarlamaanka JFS Oo Ansixiyay Habdhowre Ku-Xigeenka Aqalka Sare

Baarlamaanka JFS Oo Ansixiyay Habdhowre Ku-Xigeenka Aqalka Sare

October 4, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaannada la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaasi kadib Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday xeerkan ayaa waxaa ogolaatay 169 Xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aya dhawaanahan waday ka doodista Xeerarka doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda, taas oo muhiim u ah in dalka ay ka dhacdco doorsho qof iyo cod ah.

Previous Post

Duqa Gaalkacyo oo ka qeyb galay ololaha dardargelinta Nadaafadda iyo sare u qaadista Bilicda Magaalada

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii ka dhacay Hotelka Agan

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii ka dhacay Hotelka Agan

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii ka dhacay Hotelka Agan

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Mareykanka

October 4, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MINNESOTA):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee...

Baarlamaanka JFS Oo Ansixiyay Habdhowre Ku-Xigeenka Aqalka Sare

Baarlamaanka JFS Oo Ansixiyay Habdhowre Ku-Xigeenka Aqalka Sare

October 4, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, ayaa kalfadhiga 7aad wajigiisa 2aad ee maanta dhacay ku ansixiyay Sanatar Iftiin Xasan...

Bulshada degmada Buulaburte oo si iskutashi ah u bilaabay dayactirka garoonka diyaaradaha degmada

Bulshada degmada Buulaburte oo si iskutashi ah u bilaabay dayactirka garoonka diyaaradaha degmada

October 4, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):- Bulshada iskutashatay ee reer Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay, dayactirka garoonka diyaaradaha...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Dib U Furay Wadooyinkii Muqdisho Ee Sababaha Amni U Xirnaa

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Dib U Furay Wadooyinkii Muqdisho Ee Sababaha Amni U Xirnaa

October 4, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisulwasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In