Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyas Cali Xasan ayaa maanta booqasho salaan iyo isbarasho ugu tagay Wakiilka dowladda Kenya ee Tanzania, Isaac Njenga, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheere ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhaxeeya, kaasi oo ku dhisan wax wada qabsi dhinaca amniga, iyo ganacsiga.
Kenya ayaa sidoo kale waxay kaalin mug leh ka qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya, iyadda oo ciidamadeedu qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.