Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga gudaha oo shir muhiim ah uga qeybgalay Serbia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga gudaha oo shir muhiim ah uga qeybgalay Serbia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Maxamed oo shaqo ku jooga Belgrade, ayaa ka qeyb gelay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity. Isagoo kulamo guud mid gaar ahna la yeeshay Madaxda Amniga Dowladda Serbia iyo ka soo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa.

 

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ayaa waxaa kasoo qeyb-galay 51 dal oo dalalka Afrika ah. Shirka waxaa lagu xoojiyaa xiriirka Serbia iyo Qaaradda oo dhisan in ka badan 100 sano.

Fursada ayaa ah mid looga gol leeyahay faa’iidooyin fara-badan oo ay saldhig looga dhigay xoojinta xiriirka Qaaradda iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarunta dhaxe u tahay, waxaana lagu casuumaa Madaxda Hey’addaha Amniga ee Qaaradda Afrika.

Soomaaliya waxaa ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Yuusuf Cali iyo la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia marti-gelinta wanaagsan ee ay qaateen Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.

Agaasime Dr. Yuusuf ayaa u hambaliyeeyay Safaaradda iyo Diblomaasiyiinta ka howl-gala intuba, sida hagar la’aanta ah ee ay qarankoodda ugu shaqeeyaan.

 

Previous Post

Danjire Ilyaas oo Tanzania kula kulmay Safiirka Kenya ee dalkaas

Next Post

Danjire Fardowsa oo la kulantay Safiirka Kenya ee Uganda

Next Post
Danjire Fardowsa oo la kulantay Safiirka Kenya ee Uganda

Danjire Fardowsa oo la kulantay Safiirka Kenya ee Uganda

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In