Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey dhigiisa Asias Afawerki.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka labada dhinac, islaashiga dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.
Eritrea waxa ay ka mid tahay dalalka saaxiibka la ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay ka mid tahay dalalka lagu tababaro ciidanka qalabka sida.