Friday, June 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga oo la kulmay qeybaha Bulshada Garbahaarey

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga oo la kulmay qeybaha Bulshada Garbahaarey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay ku wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka Isbeddelka Cimilada Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdirashiid Olow, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Nuur Affey, iyo Xildhibaan Baa’le, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhallinyarada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa dhallinyarada ku boorriyay inay noqdaan hormuudka isbeddelka bulshada, isaga oo xusay muhiimadda ay dhalinyaradu u leeyihiin mustaqbalka dalka, sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xaqiijinayo cadaaladda iyo sinnaanta siyaasadeed, isagoo ku adkeeyay dhallinyarada inay wacyigelin u sameeyaan bulshada inteeda kale si loo gaaro ujeeddooyinkaas.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Dhinaca kale Xubnaha wafdiga ayaa , dhallinyarada kula dardaarmay inay iska kaashadaan sugidda nabadda, taageeridda dimuquraadiyadda, iyo horumarinta bulshadooda sidoo kalena ay dhalinyaradu yihiin xoogga ugu weyn ee lagu dhisi karo dowladnimo waarta iyo mustaqbal wanaagsan oo ay  Soomaaliya ku tallaabsato.

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo ka digtay in baraha bulshada lagu faafiyo hurinta colaadaha

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Fannaanad Luul Jeylaani

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Fannaanad Luul Jeylaani

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Fannaanad Luul Jeylaani

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In