Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cali Xoosh oo kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiir Cali Xoosh oo kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Cumar Guureeye iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug.

Wasiir Cali Xoosh, ayaa odayaasha u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaarisay shuruucda iyo habraacyada doorasho qof iyo cod ah, isla markaana iyadoo kaashanaysa Dowlad Goboleedyada ay awoodda maamulka dalka dib ugu celineyso shacabka Soomaaliyeed oo ay si dimuqraadiyad ah u soo doora doona hoggaankooda.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

“Waxaan diyaarinnay oo aan meelmarinnay dhammaan Xeerarka gundhigga u ah in ay dalka ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, kuwaas oo kala ah: Xeerka dhisidda GMDQS, Xeerka Ururrada Siyaasadda Iyo Xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Doorashooyinka Qaranka, sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhistay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha oo loo dhamaystiray dhammaan waxyaabaha ay ku shaqayn lahaayeen,” ayuu kulankaas ka yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Dhankooda Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug ayaa caawa kulankaas ka sheegay inay diyaar u yihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u soo doortaan hoggaanka dalkooda.

Previous Post

Taliye Odowaa oo kormeer ku maraya furumaha hore ee dagaalka

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Arr/ Gudaha Galmudug

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Arr/ Gudaha Galmudug

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Arr/ Gudaha Galmudug

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In