Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir wada-tashi ah oo ay isugu yimaadeen Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa colaadaha sokeeye, loogu diyaar-garoobi lahaa isku-filnaansho iyo ka kaaftoomidda ku tiirsananta kaalmada bani’aadannimo ee dibadda, xoojinta nidaanka dowladnimada, la shaqeynta iyo ilaalinta bad-qabka samafalayaasha iyo sidii loo hubin lahaa in gargaarku gaaro dadkii u baahan ee loogu tala-galay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo duubab-ka dhaqanka ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee SoDMA, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay duubabku u leeyihiin dadaallada nabadda, wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, isagoo xusay in shirkaan fursad wax-ku-ool ah u yahay sidii looga hortagi lahaa colaadaha oo sababa dhibaatooyin bani’aadannimo oo mararka qaar noqda masaa’ib dad-samey ah oo daran.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan oo isna khudbad ka jeediyay shirka ayaa duubabka ku aammaanay doorkooda nabadeynta iyo isku heynta bulshada, isagoo adkeeyay in dhaqanku sii xoojiyaan kaalinta ay u taagan yihiin ee xoojinta nabadda, si looga baaqsado ama xal loogu helo gacan-ka-hadalka laga baaqsan karo ee dhex mara dadka walaalaha ah, looguna gudbo fulinta mashaariicda dhisaysa adkeysiga iyo ka faa’iideysiga adeegyada dowladda.

Ugaasyada, Imaamyada, Malaaqyada, Salaadiinta, Garaaddada, Isimmada, Wabarrada, Boqorrada, Nabaddoonnada iyo guud ahaan duubabka dhaqanka ee kulanka ka qeyb-galay ayaa Hay’adda SoDMA ku ammaanay shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u heyso, iyaga oo sheegay in shirkaan uu xoojinayo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha dowliga ah, sidii loo heli lahaa xalka lagu wajahayo caqabadaha dalka ka taagan, gaar ahaan colaadaha sokeeye, abaaraha iyo musiibooyinka kale.

Previous Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Next Post

Duqa Muqdisho o qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post
Duqa Muqdisho o qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho o qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In