Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir wada-tashi ah oo ay isugu yimaadeen Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa colaadaha sokeeye, loogu diyaar-garoobi lahaa isku-filnaansho iyo ka kaaftoomidda ku tiirsananta kaalmada bani’aadannimo ee dibadda, xoojinta nidaanka dowladnimada, la shaqeynta iyo ilaalinta bad-qabka samafalayaasha iyo sidii loo hubin lahaa in gargaarku gaaro dadkii u baahan ee loogu tala-galay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo duubab-ka dhaqanka ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee SoDMA, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay duubabku u leeyihiin dadaallada nabadda, wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, isagoo xusay in shirkaan fursad wax-ku-ool ah u yahay sidii looga hortagi lahaa colaadaha oo sababa dhibaatooyin bani’aadannimo oo mararka qaar noqda masaa’ib dad-samey ah oo daran.

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan oo isna khudbad ka jeediyay shirka ayaa duubabka ku aammaanay doorkooda nabadeynta iyo isku heynta bulshada, isagoo adkeeyay in dhaqanku sii xoojiyaan kaalinta ay u taagan yihiin ee xoojinta nabadda, si looga baaqsado ama xal loogu helo gacan-ka-hadalka laga baaqsan karo ee dhex mara dadka walaalaha ah, looguna gudbo fulinta mashaariicda dhisaysa adkeysiga iyo ka faa’iideysiga adeegyada dowladda.

Ugaasyada, Imaamyada, Malaaqyada, Salaadiinta, Garaaddada, Isimmada, Wabarrada, Boqorrada, Nabaddoonnada iyo guud ahaan duubabka dhaqanka ee kulanka ka qeyb-galay ayaa Hay’adda SoDMA ku ammaanay shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u heyso, iyaga oo sheegay in shirkaan uu xoojinayo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha dowliga ah, sidii loo heli lahaa xalka lagu wajahayo caqabadaha dalka ka taagan, gaar ahaan colaadaha sokeeye, abaaraha iyo musiibooyinka kale.

Previous Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Next Post

Duqa Muqdisho o qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post
Duqa Muqdisho o qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho o qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In