Friday, August 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Gabdho aqoonyahano ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 13, 2025
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Gabdho aqoonyahano ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Luul Axmed Galwo ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay gabdhaha aqoonyahanka ah ee ka shaqeeya cilmi-baarista iyo daraasaadka la xariira arrimaha maareynta musiibooyinka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka ay gabdhaha aqoonyahanka ah ka qaadan karaan yareynta khataraha musiibooyinka, dadaallada gargaarka, u adkaysiga aafooyinka, guud ahaan hawlaha bani’aadannimo, ka bixidda faqriga iyo la qabsiga saamaynta is-beddelka cimilada.

Related posts

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin oo xusay in dhibaatooyinka beni’aadannimo ee dalka ka dhaca ay 70% saameeyaan haweenka Iyo carruurta, ayaa gabdhaha ku ammaanay kaalinta ay u istaageen, isagoo ku boorriyay in ay aqoontooda kaga faa’iideeyaan hay’adaha dowliga ah iyo bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin ayaa gabagabada kulanka waxaa uu gabdhaha aqoonyahaka ah ka codsaday iney SoDMA kala shaqeeyaan caawinta dadka Soomaaliyeed ayagoo aqoontooda kaga faaiideynayo si mutadawacnimo ah.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah gaariisay Guriceel

Next Post

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shirka mashruuca SHIIP ka furay Nairobi

Next Post
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shirka mashruuca SHIIP ka furay Nairobi

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shirka mashruuca SHIIP ka furay Nairobi

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Laamaha amniga Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed

August 14, 2025
0

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

August 14, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In