Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo booqday xarumaha Shidaalka iyo Kumaandooska ee Azerbaijan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo booqday xarumaha Shidaalka iyo Kumaandooska ee Azerbaijan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarummo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee Caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarummaha tamarta, difaaca iyo hormarinta adeegyada dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa booqday Xarunta BP Sangachal Terminal oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee caalamka ee qaabilsan soo saarista shidaalka iyo habeynta gaaska dabiiciga ah, isagoo uga gollahaa in uu dul istaago awoodda dalkan Azerbaijan ee dhanka tamarta, maadaama ay dhawaan labada dowladood kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimaha shidaalka iyo tamarta.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

Intii booqashada uu ku jiray Madaxweynuhu, waxa uu warbixin ka dhageystay khubarada farsamada oo la wadaagay sida ay xaruntu uga shaqeyso amniga tamarta ee gobolka iyo suuqyada caalamka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay in booqashadan ay fursad weyn u ahayd is-dhaafsi khibradeed, maadaama Soomaaliya ay haatan waddo sahanno lagu baarayo shidaalka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo sannadkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday xarunta Kumaandooska Ciidanka Qaranka Azerbaijan, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov. Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigay qalab casri ah oo ciidan oo lagu sameeyay gudaha Azerbaijan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Xarunta Adeegyada Casriga ah ee ASAN, isagoo ku bogaadiyey dowladda dalkan hannaanka horumarsan ee casriyeynta adeegyada dadweynaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto khibraddan, si loo horumariyo adeegyada dowliga ah ee danabeysan (E-Governance)

 

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey xeer-nidaamiyaha Xukuumadda 

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxa bisha cas ee dalka Kuwait

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxa bisha cas ee dalka Kuwait

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxa bisha cas ee dalka Kuwait

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In