Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka ay si wada jir ah u taaba gelinayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiiru-dowlaha Waxbarashada XFS Marwo Nuura Mustafe, Guddoomiyaha Gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in tartanka uu soo socday muddo 14- sano ah, sanadkana ay noqon doonto  kii 15aad,  kaasi oo loo qabto degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka oo ay sanadkan ku jiraan degmooyin hor leh.

Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga IBS Cabdirisaaq Cali Warsame oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay qeyb ka noqdaan sanadkii 5aad oo xiriira taabagelinta tartanka, isagoo guul u rajeeyey ka qeyb galayaasha tartanka.

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed ayaa xusay in ujeedka tartanka uu yahay sidii aqoon loogu tartami lahaa, isagoo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Amniga.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Marwo Nuura Mustafe, ayaa shaacisay in ka Wasaarad ahaan ay farxad weyn u tahay inah goob joog ka ahaato furitaanka tartankaan oo ku salaysan aqoonta iyo xifaaltanka tartamayaasha degmooyinka Dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Awey oo furay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan,  isagoo Hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 14aad la qabanayo.

“Sanad waliba waxaa sii kordhaya degmooyinka tartanka ka qeybgalaya, waxaana degmooyinka 32da ah u rajeynayaa guul, runtii tartanka waxaa nasiib u yeeshay inay sanadkan ka qeybgalaan degmooyin horleh”. Ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu intaa ku daray in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo shacabka ugu Hambalyeeyay munaasabadda bisha Ramadaan

Next Post

Guuleystayaashii sanadkii hore oo tartanka laga reebay

Next Post
Guuleystayaashii sanadkii hore oo tartanka laga reebay

Guuleystayaashii sanadkii hore oo tartanka laga reebay

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In