Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay furitaanka Qaran ee Qur’aanka Kariimka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay furitaanka Qaran ee Qur’aanka Kariimka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daah-furay tartanka Qur’aan Akhriska sanadlaha ah ee heer Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay soo saaraan dhallinyaro xambaarsan kitaabka oo xufaad ah, dadkana bara diinteenna nasteexada ah iyo sunnaha, si aan ummadda uga dhex-saarno kuwa leexiyey hadalka Eebbe, isla markaana banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

“Tartanka Qur’aanku wuxuu bulshadeenna ku jihaynayaa in ay isku xirmaan, taas oo kor u qaadeysa midnimada iyo wadajirka bulshooyinka muslimiinta ah, waxa aynu ku xasuusanaynaa muhiimadda weyn ee uu nolosha u leeyahay ku dhaqanka kitaabka iyo sunnaha, kuwaas oo ina faraya in aynu ilaallino islaamnimada iyo wuxuu Alle innagu amray”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Mudane Xamsa, ayaa culimada Soomaaliyeed ku booriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo iyo suulinta fikradaha khaldan ee looga been sheegayo diinteena suubban.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan afur ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed

Next Post

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay tartan Qur’aan akhris ah

Next Post
Danjire Jabriil oo ka qeybgalay tartan Qur’aan akhris ah

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay tartan Qur'aan akhris ah

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In