Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay tartan Qur’aan akhris ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo ka qeybgalay tartan Qur’aan akhris ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Qur’aan akhris ah oo ay ka qeybgaleen arday badan oo Muslimiin ah oo ay Soomaali qeyb ka ahaayeen ayaa lagu qabtay Masjidka Al Huda, magaalada Nairobi ee dalka #Kenya.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka qeybgalay tartanka Qur’aan akhriska ah ayaa bogaadiyay sida ardayda ay u soo bandhigeen Qiraa’ada Qur’aanka Kariimka ah, kuwaasi oo ay ka muuqatay kalsooni dhab ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

“Tartanka Qur’aanka waxaa ka qeybgalay Ardayda dalka Kenya oo dhan, waxaana qeyb ka ahaa arday ka timid xeryaha Qaxootiga ee Xagardheer Dhadhaab, waxaana ay ahaayeen arday u heelan akhrinta Qur’aanka, oo ay ka muuqatay arday leh tarbiyad wanaagsan”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Macalimiinta iyo Waalidiinta sida hagar la’aanta ah oo ay u garab istaageen ardayda uguna dhiirigeliyeen muddadii ay baranayeen xifdinta Qur’aanka Kariimka, taasi oo u suurtagelisay in tartankan qiimaha badan leh ay ka qeybgalaan, waalidiintana looga baahanyahay in ay Ubadkooda ku barbaariyaan tubta toosan.

Danjire Jabriil ayaa u duceeyay dhamaan Ardayda ka qeybgashay tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee lagu qabtay Masjidka Al Huda ee magaalada Nairobi “Alle SWT ha u barakeeyo hibadaas uu Alle siiyay dhallinyarada, if iyo aakhiroba ha ku guuleeyo”.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay furitaanka Qaran ee Qur’aanka Kariimka ah

Next Post

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In