Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 20–aad ee wareegga Labaad kulankiisa 4-aad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Garbahaareey iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Garbahaareey
Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan suโaal, halka ay iska qaldeen Labo suโaal, Waxa ay ka faaโiideysteen Hal suโaal oo sooย hareermartay tartamayaasha Yaaqshiid, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Yaaqshiid
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex suโaal, halka ay iska qaldeen Afar suโaal, Waxa ay ka faaโiideysteen Hal suโaal oo soo hareermartay dhigooda Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.
Hadaba kulankii 20-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 21-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Ceelbuur iyo Ceeldheer oo ka wada tirsan Gobalka Galgaduud.












