Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Boondheere oo u gudbay caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Boondheere oo u gudbay caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 29-aad ee wareegga Afar dhamaadka ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Gaalkacyo iyo Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday, waxaana degmadii badisa ay u gudbeyso kulanka kama dambeysta ah ee tartanka.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar suโ€™aal, halka ay iska qaldeen Saddex suโ€™aal, Ma jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotayย  Sideed (08) dhibcood.

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan suโ€™aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Labo suโ€™aal, Ma jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen,ย  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boondheere waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 29-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Kama dambeysta ah (final) u soo gudbay tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 30-aad ee tartanka, waxaa ku loolami doona Degmooyinka Marka iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Gedo, iyadoo tii soo baxda ay is wajihi doonaan Boondheere oo kama dambeysta tartanka soo tiigsatay.

Sawir qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka dalka looga ciribtirayo khawaarijta

Next Post

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In