Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladda Somali Night Awards oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo daah-furay xafladda ayaa tilmaamay inay tahay talaabo aad u wanaagsan oo yidodiile ku abuureysa bulshadeena.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

“Waxaan rabaa inaan marka hore u mahadceliyo qaban qaabiyeyaasha xafladda, marka xigta Hambalyo ayaan leeyahay dhamaan inta guuleysatay, runtii shaqo adag ayay qabteen dadkii isku howlay xafladan”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu yahay mid ku dayasho mudan, oo shacabka Soomaaliyeed ku dhiirigelineya inay ka qeybqaataan horumarka.

Danjire Jabriil oo la dardaarmayay guuleystayaasha ayaa yiri “Runtii abaal marintan waxaan rajeynayaa inaad ka hesheen awood cusub oo aad dardargelisaan adeegyada aad ku muteysateen abaalmarinta, waxaana sharaf ii ah inaan magaalada Nairobi idinkugu soo dhaweeyo”.

Danjire Jabriil ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uga mahadceliyay waqtiga ay ku bixiyeen barnaamijkan, isagoo intaa ku daray in Safaaraddu ay garab taagantahay martida xafladda abaal marinta ka qeybgashay ee ka yimid dalkeenna.

Previous Post

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In