Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA). Wasiirka waxaa kormeerkiisa ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo masuuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan hay’adda.

Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xaaladdaha deg-degga ah ee ka dhalatay roobabka Gu’ga ee ka da’ay qaybo badan oo dalka ka mid ah, saameynta ay yeesheen iyo diyaarinta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda beni’aadannimo ee hadda jirta, saadaasha cimilada, iyo heerarka biyaha wabiyada dalka, iyadoo laga duulayo baahida loo qabo in la is waafajiyo gurmadka beni’aadannimo iyo howlgallada milatari ee socda si dalka looga xoreeyo Khawaariijta.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu lafa-guray sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa deegaannada laga xoreynayo Khawaariijta iyo sidii shacabka halkaas ku dhaqan loogu fidin lahaa taageero beni’aadannimo oo degdeg ah, si loo xoojiyo xasilooonida.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ammaanay shaqada adag ee ay Hay’adda SoDMA u hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in doorkooda uu yahay mid muhiim u ah samata bixinta bulshada. Wuxuu hay’adda ku dhiirrigeliyay in ay sii laba laabaan dadaallada gurmadka ah, si gaar ahna loo daryeelo dadka nugul ee ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha.

Previous Post

Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo...

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

May 12, 2026
0

Xeebta Baraawe waxay xambaarsantahay saakay muuqaal ka hadlaya nolol, halgan iyo rajo. Wiil yar oo garanaya qiimaha nolosha ayaa badda...

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In