Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
8 months ago
in Wararka
0
NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge sare oo Khawaarijta u qaabilsanaa qorsheynta weerarradii Hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo, sanadkii 2023.

Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa Horjoogahan ayaa Howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta ku saabsan Horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhammaan Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa.

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Dhinaca kale, ilaa 6 howlgal oo duqeyn ah oo shalay galab ilaa xalay ay ciidanka NISA ka fuliyeen deegaanka Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan, ayaa lagu dilay 46 Khawaarij ah oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo lagu beegsaday goob ay gabbaad ka dhiganayeen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa kor u qaadday howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo Khawaarijta, xili Taliyaha guud ee Hay’adda uu ku sugan yahay deegaannada hawlgalladu ay ka socdaan.

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In