Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva – Switzerland, kaga qeyb-galay kal-fadhigii 8-aad ee shir-weynaha madasha caalamiga ah ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka, (Global Platform for Disaster Risk Reduction – GPDRR 2025) kaas oo afartii sanaba mar la qabto.

Shirka oo socday intii u dhaxaysay 2 June ilaa 6 June, 2025, waxaa kasoo qeyb-galay in ka badan 2,700 oo qof oo isugu jiray madax sare iyo wufuud matalayay 133 dal, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray ka mira-dhalinta doorka muhiimka ah ee yaraynta khataraha, ka hor tagga saameynta musiibooyinka iyo in bulshada loo diyaariyo wacyi ahaan wax ka qabashada iyo yareynta waxyeellada khataraha.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Yareynta Khatarta Musiibooyinka (UNDRR) ayaa laga jeediyay khudbado taabanaya hoggaaminta, isku xirka iyo horumarinta dadaallada caalamiga ah ee lagu yareynayo khataraha musiibooyinka iyo sida uu dal kasta horumar la taaban karo uga sameeyay dhinacyada la xariira maareeynta khataraha iyo xoojinta u adkeysiga aafooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa madasha ka jeediyay khudbad muhiim ah, isaga oo ka warbixiyay dadaallada iyo horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dhanka maareynta khataraha musiibooyinka, wuxuu si gaar ah u xusay kobaca iyo dhismaha nidaamyada lagu badbaadinayo nolosha iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kal-fadhiga shirka qeybtiisa muhiimka ah ayaa lugu gaaray go’aanno wax-ku-ool ah oo la doonayo in madaxda dalalka madasha ka soo qeeyb-galay ay ayidaan sidii lugu gaari lahaa yoolalka u asteeysan istaraatiijiyadda caalamiga ah ee Sendai Framework taas oo fareysa waddamada in marka la gaaro 2030-ka uu dal kasta si buuxda u dhiso awoodaha lugu yareeynayo khataraha musiibooyinka.

Previous Post

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Next Post

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Next Post
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In