Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha, gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

Kulankan ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana uu Wasiirku fursad u siiyey ardayda inay si furan ula wadaagaan waayo-aragnimadooda nololeed iyo waxbarasho, caqabadaha ay wajahaan, iyo himilooyinka ay ka leeyihiin mustaqbalkooda iyo doorka ay ka qaadan karaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda hooyo. Wasiir Dhaay ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey dadaalka iyo kartida ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Shiinaha, isaga oo xusay inay yihiin safiiro matalaya Dalkooda, kuna leh door muhiim ah horumarka dalka.

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Intii uu ku sugnaa magaalada Changsha, Wasiirku waxa uu booqday Akadeemiyadda Taariikhiga ah ee Yuelu, oo ah xarun aqooneed oo fac weyn leh, kana mid ah meelaha ugu caansan ee lagu kaydiyo taariikhda iyo aqoonta dalka Shiinaha, muddo ka badan kun sano. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu kormeer ku tagay Machadka Daraasaadka Afrika ee Jaamacadda Hunan (Institute of African Studies), halkaas oo uu ku ammaanay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka cilmiyeed, dhaqameed, iyo mid istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.

Booqashada Wasiirka ee magaalada Changsha ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya garab istaagga ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dibadda, iyo sidoo kale horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

 

Previous Post

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Next Post

Dr. Khadar Xaaji oo ka warbixiyey adeegyada sanadkan loo qabtay Xujeyda Soomaaliyeed

Next Post
Dr. Khadar Xaaji oo ka warbixiyey adeegyada sanadkan loo qabtay Xujeyda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji oo ka warbixiyey adeegyada sanadkan loo qabtay Xujeyda Soomaaliyeed

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In