Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u tegay xarig-jarka dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya.
Wasiirka waxaa Garoonka diyaaradaha qeybta VIP-da kusoo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isaaq, masuuliyiinta Safaaradda, safiirro ka tirsan Jaamacadda Carabta, iyo masuuliyiin kale.
Dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa ah mid taariikhi ah, waxaana lagu fuliyay dadaal uu hormuud u ahaa Safiir Maxamed Sheekh Isaaq, oo kaashanaya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka. Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya yeelato dhismo rasmi ah oo safaaradeed oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.