Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Xajka Soomaaliya oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Dhakhaatiirta Isbitaalka Boqor Cabdalla ee Jidda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Xafiiska Xajka Soomaaliya oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Dhakhaatiirta Isbitaalka Boqor Cabdalla ee Jidda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Xafiiska Arrimaha Xajka Soomaaliya, Dr. Khadar Daahir Suleemaan, ayaa shahaado-sharaf iyo mahadnaq guddoonsiiyay maamulka iyo dhakhaatiirta ka hawlgala Isbitaalka Boqor Cabdalla Medical City ee ku yaalla magaalada Jidda.

Dhakhaatiirta ayaa shahaadooyinkan ku muteystay kadib markii ay qaliinno lacag la’aan ah u sameeyeen qaar kamid ah Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan soo gutay waajibaadka Xajka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026

Maamulaha Isbitaalka, Dr. Maxamuud Cabdisalaam Abuu Ramash, ayaa uga mahadceliyay Xafiiska Xajka Soomaaliya abaalmarinta dhiirrigelinta ah, isagoo xusay inay sii wadi doonaan garab istaagga iyo taageerada ay u hayaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Xafiiska Xajka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga, Dr. Khadar Daahir Suleemaan, ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan Xujaydii qaliinka lagu sameeyay ay caafimaad qabaan, wuxuuna bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Isbitaalka Boqor Cabdalla uu ka qaato daryeelka caafimaad ee Xujeyda.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In