Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad ee xasillinta amniga Caasimada, gaar ahaan Ururka 231-aad ee fadhigiisu yahay deegaanka Darmooleey oo u dhaxeeya gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe.
Maxamed ayaa sheegay in uu u adkaysan waayay dhiibaatada khawaarijta iyo ficiladooda xun, waxaana uu ugu baaqay horjoogyaasha iyo maleeshiyaadka ku haray maafiyadaas in ay iskaga soo tagaan.