Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha adag ee bani’aadamnimo ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada Galmudug, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Itoobiya. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dad badan ay wajahayaan dhibaatooyin nololeed oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo codsaday in si dhakhso leh loo gaarsiiyo taageero bani’aadaninimo.
Intii lagu guda jiray kulanka, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha deegaanka, isaga oo xusay fursadaha dhinaca xoolaha ee Galmudug ka jira. Wuxuu soo jeediyay in laga shaqeeyo dhismaha warshad casri ah oo lagu qalo, laguna keydiyo hilibka xoolaha, taas oo, sida uu sheegay, wax weyn ka tari doonta kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee bulshada.
Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ballan qaaday in SoDMA ay si degdeg ah u gaarsiin doonto gargaar dadka ay saameeyeen xaaladaha adag, isagoona muujiyay in hay’adda SoDMA ay diyaar u tahay la shaqeynta maamulka Galmudug, si loo hirgeliyo warshadda xoolaha, wuxuuna sheegay in dadaalladaas lagu taageeri doono iskaashi caalami ah iyo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.
Si-kastaba, kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo horumariyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo iyo in adeegyada degdegga ah si siman loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed ee nugul.