Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud ee waajibaadka shaqo ee Guddiga Amniga iyo hayโadaha amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tababarka waxaa si rasmi ah u furay Sanatar Col. Axmed Maxamed Cali (Afcadey), waxaana la qorsheynayaa in uu socdo muddo laba maalmood ah. Sanatar Afcadey ayaa furitaanka ku sheegay in tababarku muhiim u yahay hayโadaha kala duwan ee ka shaqeeya amniga gudaha, loona baahan yahay in kor loo qaado fahamka guud ee waajibaadka shaqo ee hayโadahaasi iyo doorka baarlamaanka ee kormeerka iyo isla xisaabtanka.
โTababarkan wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay dhisidda hanaan sharciyeysan oo lagu xoojinayo xiriirka shaqo ee hayโadaha amniga iyo Baarlamaanka. Waxa uu sidoo kale iftiiminayaa sharciyada amniga khuseeya, ilaalinta dastuurka ku-meelgaarka ah, xeerarka dalka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed,โ ayuu yiri Sanatar Afcadeyโ
Intaas ka dib, waxaa la guda galay dood furan oo lagu falanqeeyay kaalinta hayโadaha amniga ee sugidda xasilloonida gudaha. Waxaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha, kuwaas oo la wadaagay Guddiga muhiimadda ay leedahay qabashada tababarrada noocan oo kale ah. Waxaa si gaar ah loo xusay baahida loo qabo in sare loo qaado kala xadaynta waajibaadka Baarlamaanka iyo hayโadaha fulinta ee ku shaqada leh arrimaha amniga.
Dhanka kale, Sanatar Afcadey ayaa tilmaamay in tababarku yahay fursad aqoon-isweydaarsi iyo xirfad kororsi ah oo muhiim u ah gudashada waajibaadka qaran ee ka qeybgalayaasha, isaga oo ugu dambeyn ku dhiirrigeliyay in ay si buuxda uga faaโiideystaan.












