Sunday, July 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
July 19, 2025
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa maanta si rasmi ah u furay maalinta shanaad ee Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee EASF, oo ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiyada ka socda dalalka xubnaha ka ah EASF, isagoo uga mahadceliyay doorkooda firfircoon iyo sida ay uga go’an tahay nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga difaaca ee gobolka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

July 20, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda

July 20, 2025

“Sharaf weyn bay noo tahay in aan martigelinno shirka sanadlaha ah ee EASF, annagoo guddoon u ah sanadkan. Tani waxay muujineysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka Afrikada Bari,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah u dul istaagay caqabadaha amni ee ka jira gobolka — oo ay ka mid yihiin argagixisada, xagjirnimada, isbeddelka cimilada iyo qalalaasaha siyaasadeed — isagoo ku baaqay in dalalka xubnaha ah ay si wadajir ah uga jawaabaan khatarahaas iyagoo mideysan.

Intii uu khudbaddiisa jeedinayay, Wasiirka ayaa caddeeyay kalsoonida uu ku qabo talooyinka kasoo baxay shirarkii hore ee khubarada iyo taliyeyaasha, wuxuuna xusay in shirkan maanta uu fursad yahay lagu ansixinayo qorshayaal muhiim u ah mustaqbalka EASF.

Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Xoghaynta EASF iyo waddamada xubnaha ka ah dadaalkooda joogtada ah, isagoo rajo ballaaran ka muujiyay in shirka Muqdisho uu noqon doono mid lagu xoojiyo iskaashiga iyo nabadda guud ee gobolka Afrikada Bari.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay dowladaha xubnaha ka ah AUSSOM oo si hagar la’aan ah u garab istaagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee lasoo dhaafay. Waxa uu xusay in dadaalladaasi ay horseedeen miro-dhal muuqda oo dhanka nabadeynta ah, taas oo marag u ah in iskaashiga dhab ah uu keeni karo guulo la taaban karo.

Previous Post

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Afrikada Bari oo Mogadishu ka socda

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

July 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda

July 20, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa 300 oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose...

Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

July 20, 2025
0

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Mohamed Abdi Hayir ayaa daah furay barnaamijka tababarka farsmada gacanta ee cagafyada kaas...

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka

July 20, 2025
0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Macalin ayaa ka warbixinyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In