Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

Ali Ahmed by Ali Ahmed
August 1, 2025
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Related posts

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka

6- Golaha Wasiirrada ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo oo dhowaan ay dagaalo ka dhaceen.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabadda saxiixa iskaashi oo dhexmaray Hay’adda Save the Children iyo Shirkadda Hormuud.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo isugu jiray wasiiro Iyo xildhibaano ayaa booqday magaaladda Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

9- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

10- Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo lagu soo gabagabeeyay shirweynaha dhismaha iyo ansixinta Dastuurka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii dambe ka socday magaaladaas.

11- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku tagay magaalada Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

12- Wasiirka Maaliyadda Biixi imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Masuuliyiinta Ururka Bangiyada Soomaaliyeed,isagoo kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

13- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay La-taliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

14- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

15- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

16- Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo lagu bilaabayo mashruuca dib u soo celinta Shirkaddii Diyaaradaha Soomaaliyeed (Soomaali Airlines) oo dhawaan ka hawlgali doona dalka .

17- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

18- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynihii shanaad ee hal abuurka ganacsiga Soomaaliyeed oo sanadkan lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya .

19- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa si’ rasmi ah u daahfuray dib-u-howlgelinta adeegga boostada dalka oo ku dhawaad 36 sanno hakad ku jiray.

20- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiim Ashkir ayaa la kulmay Ku-Xigeenka Madaxa Hey’adda Socdaalka Adduunka(IOM) , Marwo Ugochi Daniels,
21- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan.

22- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa kulan la yeeshay Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye, oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa magaalada Laas Caanood kulan wadatashi ah kula yeeshay wax-garadka mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC.

24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatey Dr Rukaya Maxamed, oo ah maamulaha Barnaamijka Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

25- .Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshaya Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Mudane Waleed bin Abdulkarim bin Mohamed El-Khereiji.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Valeh oglu Mustafayev.

27- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Baku kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Azerbaijan, Mudane Ali Asadov.

28- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels.

29- Bayaan kasoo baxay Bankiga dhexe ee Somaaliya ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay in macaamiisha koontooyin cusub furaneysa ama cusbooneysiisaneysa shuruud looga dhigayo inay heystaan kaarka aqoonsiga qaranka ee Hay’adda NIRA.

30- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dalka Jarmalka kulan kula yeeshay Madaxweynaha Booliiska Federaalka Jarmalka ,Frank-Walter Steinmeier.

31- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

31- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada bulshada ku gaaray magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

32- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal ayaa la kulmay ehellada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali, isaga oo ka dhagaystay tabashadooda, ugana warbixiyay dadaalladii dowladda ay waddo ee ku aaddan sii deynta muwaadiniintaasi.

==========DHAMMAAD==========

Previous Post

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Next Post
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukuntay askari muwaadin u dilay”Maxaad Ii Soo Fiirisay.”

August 2, 2025
0

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In