Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children International, Mudane Maxamuud Maxamed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada hay’adood, iyadoo si gaar ah loo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hawlaha hay’adaha caalamiga ah ay si buuxda ula jaanqaadaan qorshayaasha dowladda Federaalka, gaar ahaan Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP).
Madaxa Save the Children ayaa hoosta ka xarriiqay sida hay’addu uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso dowladda Soomaaliyeed si kor loogu qaado wax-ka-qabashada baahiyaha beni’aadannimo iyo horumar waara.